Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya

Wararka aan ka heleyno Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay deegaan ka tirsan qaraxyo xooogan lagula eegtay Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxyada oo  dhamaantood miino nooca dhulka lagu aaso ahaa ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Itoobiya lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa Qaraxyada kadib soo weriyey in dagaal toos ah uu dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii darayan in qaraxyada iyo dagaal uu ka dhashay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, In kastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, maadaama aaga lagu dagaalamay uu ahaa dhul howd ah uu ku yar yahay isku socodka dadka.

Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegeen in Ciidanka Itoobiya ay la eegteen 4 qarax, sidoo kalena ay weerar toos ah ku qaadeen, hayeeshee ma jiro faah faahin intaas ka dheeraad ah oo ay bixiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media