Buurta ETNA oo ah tan ugu weyn Buuraha Folkaanadda ee Qaaradda Europe ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee maanta sameeysay Folkaano dhimbil dab ah, taasi oo sababtay in la xiro Garoomadda Diyaaradaha ee ku yaalla Jesiiradda Sishilis ee dalkaasi.
Wargeyska La Republica ayaa qoray in la xiray Graoomadda Diyaraadaha eeFontanarossa iyo Comiso oo ku yaalla magaalladda Kataniya, waxaana dhowr Duullimaad loo weeciyey Garoonka magaalladda Palermo.
Buurta Etna ee ay Folkaanadda dhimbilaha ka butaacayeen ayaa waxa uu dhererkeedu gaarayaa 3,300 mitir, waana Buurta ugu weyn ee qaraxyadda Folkaanaha ka dhacaan guud ahaan dalalka Europe.
Dhinaca kale, boqolaal qof ayaa laga daad-gureeyey Koonfurta dalka Peru, kadib, markii ay Folkaano qaraxday oo ay dhimbal dab ah hawada u si idaysay.
Folkaanaha Buurta Ubinas ayaa la sheegay inay labo qarax smayasya, taniyo waaberigii hore ee saakayto, iyadoo waxyeelo u geysatay in ka badan 8 deegaan oo ku hareeraysan.
Madaxweyneha dalak Peru, Martin Vizcarra waxa uu ku baaqay in dadka laga daad-gureeyo goobahaasi, isagoo sheegay inuu Folkaanahaasi yahay kii ugu weynaa ee ay arkaan dhowr sanno.
Buurta Ubinas ee dalka Peru ayaa la sheegay inuu dhererkeedu dhan yahay 5,672 mitir, waxayna qaraxyo Folkaano ah samaysay sannadihii 2013-kii ilaa 2016-kii.