Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo war kasoo saaray

Qaraxyo is Xig-xigay ayaa Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Sooamaliya, kuwaasi oo dhawaqooda si weyn looga Maqlay degmooyin iyo Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana laga helayaa faah faahinno dheeraad ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Moota Bajaaj, waxaana uu ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan, gaar ahaan meel u dhaw Maqaayadda Fadxi-Taleex.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ka dhex-dhacay Gudaha mootada, oo sida la sheegay qaraxyadu saarnaayeen, waxaana ay qarxeen dhowr jeer oo kala duwan sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka ag-dhawaa halka ay wax ka dhaceen.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan oo inta badan ay dad weyne kala duwan isugu yimaadaan, balse Qaraxa Galabta ayaa kusoo aaday Xili ay dadku salaadda Casar ku maqnaayeen, taasina waxaa ay keentay in khasaaruhu uu yaraado.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidanka Ammaanka, kuwaasi oo isku socodka joojiyay waddadana xiray, waxaana faah faahin ka bixiyay  Taliska Booliska oo goobta gaaray.

Taliye Xigeen Booliska Gobolka Banaadir Oo faah faahin ka bixinayay Qaraxa ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen shaqsiyaadkii mootada ku waday, waxaana uu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeenwadihii Mootada,sidoo kale waxaa Boolisku ay gacanta ku dhigeen waxyaabo kale oo qaraxyo ah, kuwaasi oo shaqsiyaadka Mootada ay wateen, waa sida ay hadalka u dhigeen Booliskuye.

Booliska ayaa xaqiijiyay in khasaare uusan jiran, aan ka ahayn shaqsiyaadkuu Qaraxyada watay, waxaana uu sheegay in wali Baaritaanno dheeraad ah ay wadaan, dibna ay kasoo sheegi doonaan waxyaabaha kusoo kordha Qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca Qaraxyada noocaan ah, iyadoo khasaaraha ugu badani uu kasoo gaaro dad shacab ah oo ka ag-dhaw goobaha la beegsado.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor