Qaraxyo iyo rasaas xoogan oo weli laga maqlayo gudaha hotelka Ambassador

Dad goob joogayaal ah ayaa radio Dalsan u sheegay in weli qaraxyo iyo rasaas goos goos ah laga maqlayo gudaha hotelka Ambassador ee Muqdisho.

Dad badan ayaa isugu soo xoomay agagaarka hotelka,dadkaas oo badankooda ay ka maqan yihiin ehelkooda.

Wariyeyaal ku sugan agagaarka hotelka ayaa Dalsan u sheegay in weli xaalada ay kacsan tahay rasaas iyo qaraxyana weli la maqlayo.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa geeriyooday oo ay ku jiraan 2 xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure iyo Xildhibaan cabdullahi Jaamac Kabaweyne.

Dhaawaca waxa uu ka badan yahay 50 ruux sida saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor