Qaraxyo iyo rasaas xoogan oo Caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho

Jugta qaraxyo ayaa Caawa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhaceen Nawaaxiga Xerada Saraakiisha ee ku taalla Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aan la ogeyn nooca ay ahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan, isla markaana haatan ay xaalad cakiran ay ka jirto aaga Xerada Saraakiisha ee Degmada Deyniile.

Illaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media