Qarax Xoogan oo ka dhacay dalka Denmark

Boliska dalkaasi waxay sheegeen inuu qarax xooggan ka dhacay meel ku dhow Xafiiska Canshuuraha oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kobanhagen (Copenhagen).

Qaraxaasi ayaa waxa uu burbur u geystay daaqadaha Dhismahaasi, lama soo sheegin cid wax ku noqotay.

Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Jorgen Bergen Skov waxa uu shaaciyey inay bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay qaraxaasi, inkasta aan haatan si rasmi ah loo ogeyn cidda sida rasmiga ahaan uga dambaysay Qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media