Telefishinka Dowladda Iran ayaa sheegay in Waaberigii hore ee maanta oo Sabti ah Qarax weyn laga maqlay Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Tehran.
Qaraxaasi waxa uu ka dhacay gudaha goob barxad ah oo lagu magacaabo Mellat Park, mana kala cadda waxa sababay Qaraxaasi oo aan Khasaaro geysanin.
Ku-xigeenka Guddoomiyaha Tehran, Xamiid Reza Godarzi oo u xil saaran Arrimaha Amniga oo la hadlay Wakaalladda Wararka Iran ee TASMIIN waxa uu sheegay inay wadaan Baaritan lagu ogaanayo waxa sababahay Shilkaasi, isla markaana ay soo gudbin doonan faahfaahinta, marka la hubiyo waxa uu ahaa qaraxaasi.
Weerarada iyo Qaraxyadda waa kuwo naadir ku ah dalkaasi, inkastoo tiro qaraxyo lala beegsaday Xarumaha Nukliyeerka iyo Xerooyinka Ciiddamada.
Dowladda Iran waxay ku eedeysay Israel dhowr weerar oo lala beegsaday goobaha Nukliyeerka, laguna dilay Khubaro qeyb ka ahaa Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Qaraxa saakayto ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Tehran waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii Burcada Internetka carqaldeeyeen Nidamka Adeegyada Tareenada ee dalkaasi.
Hawlaha Tareenada waxa ku yimid dib-u-dhac, halka la kansal gareeyey Xafiisyada lagu iibiyo Tikidhada, waxaana la arbushay Adeegyadii Xamuulka iyo Websaytka Hay’adda Tareenada ee Iran.