Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo Maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidano ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu qabsaday Gaari Cabdi Bile ah oo la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda, xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Siinka dheer.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii la socotay gaarigaas, waxaana qaraxa ku geeriyooday 2 Askari, halka 5 kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo loo geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa, waxaana durbo halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiray aaga, hayeeshee markii dambe ay fureen.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media