Qarax saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho & Booliska oo khasaaraha shaaciyey

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj oo aroortii hore ee saaka oo Axad ah ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar-jajab

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Mooto Bajaaj laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku qaraxday wadada Jeneraal Daa’uud ee degmada Xamar-jajab, isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Booliska ayaa xaqiijiyay in Mooto Bajaajta lagu waday qaraxyada ay soo jiirtay bar lagu hubiyo gadiidka, ayna iyada oo eryanayaan ciidanka amniga Mootada ku qaraxday wadada Jeneraal Daa’uud ee degmada Xamar-jajab.

“Saaka baare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa rag saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday  Waaxda General Daa’uud, dhagartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabatay” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Taliska Booliska dowladda ayaa sheegay in saddex ruux oo la socotay Mootada ay ku dhinteen qaraxii dhacay, halka qof shacab ah oo wadada marayay uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo isugu jiray kuwo Is-miidaamin ah iyo miinooyin, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, Al-Shabaab ayaana sheegata mas’uuliyada qaraxyadaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor