Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax ayaa waxaa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Wadada Warshadaha.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miino  lagu Aasay dhinaca laamiga ah ee Wadada Warshadaha,isla markaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo xiligaas marayay halkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in jugta qaraxa miinada ah ay maqleen,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu qaraxa dhacayay ku sugnaa meel ku dhow Nawaaxigaas ayaa tegay,iyagoona halkaasi xiray.

Weli si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo  marayay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media