Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Puntland

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo duleedka Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland

Qaraxaan oo ahaa miinada noocda dhulka lagu aaso ah ayaa lagu weeraray Gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha xilli uu marayay inta u dhaxeysa Magalada Boosaaso iyo Buuraha galgala sida ay sheegeen dad ku sugan Boosaaso.

Waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxaas,hayeeshee aan weli sidhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay marka laga reebo ilaa laba Askari oo la sheegay in dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magalada Boosaaso.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada puntland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan,iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay in khasaaro farabadan ay ku gaarsiiyeen qaraxaas Ciidamada Puntland ee ku safrayay inta u dhaxeysa Buuraha Galgala iyo Magalada Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media