Wararka naga soo gaaraya deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ku soo waramayaan in kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya lala eegtay qarax khasaaro geystay.
Warar dheerad ah ayaa ka soo baxay qarax Gelinkii dambe Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee ka mid ah AMISOM lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Awdiinle iyo degmada Bardaale ee gobalka Baay.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu haleeyay mid ka mid ah Gawaarida ay wataan Ciidamada Itoobiya,balse aan sirasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi lala eegtay Ciidamada Itoobiya,waxana Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ay ku sheegeen in ay ku dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.