Qarax lala beegsaday Ciidamo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah Fahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax goordhaweyd lala eegtay Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Ciidanka Boolis Millataaro.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanka markii qaraxa lala beegsanayay ay marayeen qaybo ka mid ah degmada Dayniile, gaar ahaan Xerada Degmada.

Inta ka xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, waaxaana dhaawacyo ay kasoo gaaren Askar kale, kuwaasi oo loo qaaday Sida la sheegay goobaha Caadimaadka.

Goobta uu qaraxa uu ka dhacay, waxaana gaaray Ciidanka ammaanka, kuwaasi oo sameeyay Howgallo baaritaanno ah, inkastoo aan la sheegin cid loo soo qabatay qaraxaasi Maanta lala beegsaday Ciidanka Boolis Millataaro.

Ciidanka Boolis Millataro ayaa dhawan si buuxdapogu wareejiyay amaaanka Caasimadda, waxaana soo tababartay Ciidankaan dowladda Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor