Qarax lagu fashiliyay Magaalada Kismaayo iyo faahfaahino kasoo baxaya

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Kismaayo  ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu fashiliyay qarax miino ahaa.

Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay meel ku dhow Guriga uu Kismaayo ka degan yahay Musharaxa.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaan Xidig ay arkeen qaraxa lagu aasay meel dhowr Tallaab u jirta Guriga Musharaxa,sidaasina ay ku fashiliyeen.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan ee Magaalada Kismaayo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media