HomeWararQarax khasaaro sababay oo Maanta ka dhacay Degmada Luuq

Qarax khasaaro sababay oo Maanta ka dhacay Degmada Luuq

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaasi uu ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago Remote Controol-ka, kaasi oo geystay khasaaro. Dad ku sugan Luuq ayaa kusoo warramay in qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaasi uu ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago Remote Controol-ka, kaasi oo geystay khasaaro.

Dad ku sugan Luuq ayaa kusoo warramay in qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada uu si gaar ah uga dhacay goob maqaayad ah, halkaasi oo sida la sheegay lagu aasay qaraxa miinada ahaa.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay sadex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi Maanta ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas furay ciidanka ammaanka degmada oo durbadii tagay goobta, isla markaana xiray aaga uu qaraxu dhacay.

Isgaarsiinta magaalada oo markii hore hawada laga saaray ayaa dib usoo laabatay, saraakiisha ammaanka Luuq ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan qaraxa, ayna ku daba jiraan soo qabashada dadkii ka danbeeyay qaraxaasi khasaaraha geystay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts