Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu ka dhacay qarax xoogan, waxaana kasoo baxay warar kala duwan.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taalla Bar Koontarool ah oo laga soo galo Magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo ku geeriyootay qaraxaas ka dhacay Maqaaxida, halka tirro dad kale ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud, waxaana goobta gaaray dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qarxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka sameeyay baaritaano miino baaris ah, sidoo kalena wada howlgalo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan qaraxaas saakay ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas.

Comments
Loading...