Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa sheegayaa in saakay halkaas uu ka dhacay Qarax geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyay ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca Soomaalida u taqaano gaari dameer ah, wuxuuna sigaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in gaariga dameerka uu qaraxu haleelay ay saarnaayeen Aabe iyo wiil uu dhalay, iyagoona xiligaas mararay laamiga, hayeeshee ay miinada ku qarxday.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday wiilka, halka Aabahana uu soo gaaray dhaawac Culus, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Ilaa iyo hada lama oga cida lala damacsanaa qaraxaas saakay ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Balse Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale la eegtay gaadiidka Ciidanka dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media