Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Warshaddii hore ee baastada, halkaasi oo lagu soo warramayo in wali laga maqlayo Rasaas goos goos ah oo ay isku adeegsanayaan Ciidanka Dowladda iyo dabley hubeysan oo soo weeraray Ciidanka Dowladda.
Xaafadaha degmooyinka Heliwaa iyo yaaqshid ayaa si weyn looga maqlay jugta Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan sidoo kale waxaa xigay Rasaas la sheegay in laga maqlay halka qaraxu ka dhacay, waxaana dadka degaanku ay sheegayaan haatan xaaladdu tahay mid kacsan.
Ciidan Boolis ah ayaa gaaray halka wax ka dhaceen, waxaana adag in dadka shacabka ah ay ogaadaan sida wax u dheceen, maaddama aan loo ogolayn.
Wali lama xaqiijin khasaaraha Rasmiga ah ee k a dhashay Qaraxa iyo rasaasta la laga maqlayo halka caawa ay wax ka dhaceen.