Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo iyo Guddoomiye lala eegtay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goor dhow uu ka dhacay Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha Magaaladaas.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah oo lala beegsaday goob Maqaayad ah oo ku taalla Baydhabo, waxaana lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Cali Wardheere Cabdiraxmaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray dad shaca ah, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday qaraxa Guddoomiyaha Gobolka Cali Wardheere.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 5 qof, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla halkaas, si xaaladooda loogu dabiibo.

Saraakiisha amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin Qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas, waxaana laamaha amniga ay wadaan baaritaano ku aadan qaraxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor