Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Degmada Hodan.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari kaarib,isla markaana waxa uu ku qarxay Isgoyska Saybinayo,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gaariga qarxay uu ku buufsanaa Calaamada Booliska,iyadoona uu ku dhintay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya oo watay Gaarigaasi,kaasi oo lagu sheegay Xasan Dheere.

Sidoo kale qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyooday qof shacab ah oo wadada marayay.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media