Qarax Ciidamo ka tirsan dowladda lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo Ka tirsan kuwa dowladda fedraalka Soomaaliya lagula eegtay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee magalaada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca dhulka lagu aasa ah waxaana lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen ciidamo iyada oo jugta qaraxaas laga maqlay xaafado ka tirsan degmada Hodon.

Ilaa iyo haatan lama soo werin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaas,dhinaxa kalana laamaha amnigu weli wax war ah kama aysan soo saarin.

Comments
Loading...