Qarax ay Caruur ku geeriyoodeen oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka haleyno qeybo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Docole ooman,ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka dhacay qarax ay Caruur waxyeelo ka soo gaartay.

Qaraxaan aya yimid kadib markii Caruurtaan ay Gargaraaceen Miino Taalay halkaasi taasi oo aheyd haraadiga Goobihii ay horay uga dhaceen dagaalada sokooye ee dalka Soomaaliya.

Miinada ayaa waxaa ku geeriyooday 2 Cauurta ka mid ah halka ay ku dhaawacantay mid ka mid ah cauurta oo Gabar aheyd sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.

Qoyska ay Caruurtan ka dhasheen ayaa la sheegay in ay yihiin Qoys Caanka ah Gobolka Mudug,waxana dhacdadaan aad uga naxay dadka deegaanka Docole ooman

Deegaanka ay Caruurta Miinada kula qaraxdy ee Docole ooman  ayaa qayaastii 300 km u jira Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media