Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay Xukunkii Derek Chauvin

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa soo dhaweysay xukunkii askarihii hore ee ka tirsanaa booliska Minneapolis, iyagoo ugu yeertay in Derek Chauvin uu geystay dambi dilkii George Floyd.

Waxay sheegtay in xukunkan uu muhiim u ahaa adkeysiga qoyskiisa iyo bulshada kale ee ku baaqeysay caddaalada, waxayna xustay in natiijo kasta oo kale ay noqon laheyd carqalad dhanka caddaaladda ah.

“Kiiskan wuxuu si aan hore loo arag gacan uga geystay muujinta ka hortagga mowjadaha cunsuriyada nimaadmsan ee lagu ragaadisay nolosha dadka asalkoodu yahay Afrikanka, haatanna waxaa la joogaa wakhtigii si adag loo baari lahaa micnaha guud ee dilkii George Floyd” ayay tiri Batchelet.

Bachelet waxay sheegtay in ciqaab la’aanta dambiyada iyo ku xad gudubka xuquuqda aadanaha ee saraakiisha booliska ay tahay in la joojiyo.

Bishii June ee sanadkii hore, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa iskugu yimid fadhi gaar ah oo ku saabsanaa nidaamka midabtakoorka iyo naxariis darrada booliska ee lagula dhaqmo dadka asalkoodu yahay Afrikanka, kaddib dilkii uu Chauvin u geystay Floyd 25-kii bishii May ee 2020.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor