Qaramada Midoobay oo ka hadashay Xaaladda ka taagan Afghanistaan

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutterres ayaa kooxda Taliban iyo dagaalyahanada kaleba ugu baaqay inay dejiyaan xaaladda si loo badbaadiyo nolosha shacabka.

Bayaan ka soo baxay afhayeenkiisa, ayuu Gutteres ku shegay inay qasab tahay in wax laga qabto baahiyaha bini’aadanimada, xuquqda iyo xoriyadda dadka oo dhan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay waxaa uu si gaar ah walaac ugu muujiyay mustaqbalka haweenka iyo gabdhaha yar yar kuwaas oo bayaanka lagu sheegay inay waajib tahay in il gaar ah lagu eego.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor