Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Musharaxiinta oo ka socota Muqdisho

Waxaa daqiiqado kadib Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmi doona Shirweynaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Howlka lagu qabanayo Shirka ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa shirkaas, isla markaana waxaa goobta kusii qul-qulaya Musharaxiinta iyo xubno kale oo la socda.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Muhsraxaiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah.

Xalay ayaa Muqdisho waxaa kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale, waxaana ay ka hadleen sidii looga arrinsan lahaa shirka Maanta u furmaya Musharaxiinta.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilka Madaxweynaha dalka oo ay ku jiraan Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Musharaxiin kale oo dhowr ah oo shalay soo gaaray Caasimadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media