Qaban-qaabada Soodhaweynta da’yarta Qaranka oo Muqdisho ka socota

Waxaa maagaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si weyn looga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loo sameynayo Ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 17 sano oo dhawaan guul taariikhi ah kasoo hooyay Tartanka CECAFA Under 17, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Adis-Ababa ee Caasimaddda Dalka Itoobiya.

Soodhaweyn heerkeedu sarreeyo ayaa haatan ka socota garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana sidoo kale la filayaa in Caasimadda lagu qabto Xaflado waa weyn oo lagu dhiirralinayo da’yarta qaranka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, bahda Cayaaraha, Saxafiyiin iyo dad weyne kale oo ka tirsan Mucaashiqiinta Kubadda cagta ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha.

Xalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor