Dibad Bax Lagu Taageerayo Go’aanka Maxakamada ICJ Oo Lagu Qabanayo Muqdisho.

Taalada Daljirka Dahsoon Ee Degmada Boondheere waxa lagu wadaa Goordhaw inuu ka dhoco Banaanbax lagu taageeraayo Go’aankii  Shalay Galab Kasoo baxay Maxakamada Cadaalada Dunida ee ku Aadanaa  Kiiska Bada oo ay Maxkamadu sheegtay inay xukmin karaan muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Qaban Qaabinaya Dibad Baxa Sida uu Qurshuhu yahay waxaana isugu imaan Doona Fagaaraha Daljirka Boqolaal Dadweyne oo ka kala imaanaya Degmooyinka Gobolka sida ay Dalsan  ka Heshay Ilo ku Dhow Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka kale aynu Heleyno Ayaa Sheegaya in Madaxwene Xassan  Sheikh Maxamuud Lagu Wado Inuu Ka Qeybgalo Banaanbaxaasi oo shacabku kula Hadlo halkaasi Xili uu soo Dhaweeyey Go’aanka Maxkamada.

Horey waxa Magaalada  Muqdisho Uga Dhacay Banaan Bxayo Ka Dhan ah Sheegashada Kenya Ee Bada waxaana Shacabku ay Muujiyeen sida ay uga Xunyihin Boobka Bada ay ku Heyso Dowlada Kenya.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media