Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan.
Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir,Wadada 30-ka,gebi ahaan Wadada Maka Al-mukaraha iyo kuwo kale oo aad u muhiim ah,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa maalaya cagtooda.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Sababta loo xiray maanta qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka u ah isku-socdka dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho ayaa ah in Muqdisho la keeni doono Saacadaha soo socda Meydka Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,isla markaana Aas qaran loo sameeyn doono,iyadoona ay ka qeyb geli doonaan Madaxda ugu sareeysa dowlada Federaalka Soomaaliya.