Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan.

Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir, Ex-Koontarool Afgooye iyo kuwo kale,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa maalaya cagtooda.

Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxa ay tahay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya Sanad-guurada 49-aad ee ka soo wareegatay Aas-Aaskooda.

Dadka Shacabka ah ayaa goobahooda Shaqada iyo goobahooda Waxbarashada ay lug ku tegayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media