Dowladda Giriiga ayaa sheegtay inay dadkaasi oo watay Diyaarad Helikopter ay codsadeen Magangelyo Siyaasadeed.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Black Hawk Helicopter ayaa waxay duhurnimadii ku degatay Garoon ku yaalla magaalladda Aleskandarupo , kadib markii uu Duuliyihii Diyaaradaasi soo dirsaday Fariin Qeylo-dhaan ah.
Telefishinka dalka Giriiga ee ERT TV ayaa shaaciyey in 7 ka mid ah dadka la socday diyaaradda ay wateen Labiska Ciiddamada, lana rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen Ciiddankii ku lugta lahaa Afgembigii Fashilmay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Athens ayaa sheegtay in Saraakiisha Turkiga ee soo galay Giriigga ay darajadoodu kala ahayd Gaashaanlayaal, Kabtano iyo Saddex Aliflayaal iyo qof rayid ahaa.
©Radio Dalsan