Qaar ka mid ah Garoomadda Diyaaradaha Pakistan iyo India oo la xiray

Dowladda Pakistan ayaa ku ddhawaaqday in la joojiyey dhammaan Duullimaadyaddi Gudaha iyo kuwa Caalamiga ee adeegsan jirey Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Islamabaad, Lahore, Multan, Faysalabaad iyo  Sialkot.

Dowladda waxay ku sababeysay go’aankaasi sababo dhinaca Ammaanka Diyaaradaha iyo Rakaabka, iyadoo ay Ciiddanka Cirka Pakistan ay ilaalo xooggan ka hayaan Hawada dalkaasi, si aysan uga hortagaan duqeymaha Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya.

Dhinaca kale, Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in dhowr Garoon la xiray, iyadoo ay Ciiddanka Cirka si Ku-meel-gaar ah u adeegsan doonaan.

Garoomadda laga xiray Duullimaadyada Rayidka ayaa ku kala yaalla magaallooyinka Srinagar, Jammu, Leh, Amritsar iyo  Chandigarh

Milliteriga Pakistan iyo Hindiya waxaa maalintii labaad dhex marayo Dagaal, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Hindiya ay shalay duqeeyeen Saldhig Ciiddan oo ku yaalla gudaha Pakistan.

Xiisadda ayaana maanta taagan, iyadoo ay labada dhinac iska soo rideen Diyaarado Dagaal, sida ay kala sheegteen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media