Qaar ka mid ah dadkii lagu dilay Toogashadii ka dhacday Masjid ku yaalla New Zealand oo saakayto la aasay.

Ugu yaraan 2 Marxuum oo kala ahaa Aabe iyo Wiilkiisa oo ka soo jeeda dalka Syria ayaa saakayto lagu aasay Qabuuraha Memorial Park ee magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

 Aabaha oo lagu magacaabi jirey Mustafa Khaalid oo 44-jir ah iyo wiilkiisa Xamsa oo 15-jir ah waxay New Zealand yimaadeen 6 bilood ka hor, inta aan lagu dilay weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii hore ka dhacay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch.

Wiil kale oo qoyskaasi ka tirsan oo lagu magacaabo Zaayid oo 13-jir ah oo isagana Toogashadaasi  lugta looga dhawaacay ayaa joogay Qabuuraha, iyadoo lagu riixayey Baaskiiladda curyaaminta.

Muslimiin fara badan oo aad u tiiraanyeysan ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaaasadda iyo Aska Marxuumintaasi, waxayna dadku safaf dhaadheer u galeen sidii ay ciidda ugu rogi lahaayeen Qabriyadda Marxuumintaasi lagu asaay.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydadka 27-ka gelinka dambe ee maanta la aqoonsan doono, isla markaana lagu wareejin doono Qoysaskooda si ay u aastaan.

Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Labada Masjid ee Al-nuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalkaasi waxaa lagu dilay 50-qof, iyadoo tiro kalena lagu dhaawacay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Christchurch waxay sheegeen inay 29 Muslimiin lagu dhaawacay Toogashadaasi wli lagu daaweynayo Ibsitaalka, iyadoo 8 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media