Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Caawa waxaa lagu gubay qaad si sharci darro ah loogu iibinayay gudaha Magaaladaas, xili ay Puntland mamnuucday.
Maammulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo Talliska qaybta Booliska ayaa Magaalada Boosaaso ku gubay qaadka, kaasi oo la sheegay in si dhuumasho ah loo soo geliyey Magaalada.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaadka lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidanka amniga Boosaaso.
Waxaa uu sheegay G/Sare Xuseen Cali Maxamuud in marnaba aysan aqbali doonin ilaa inta amar kale kasoo baxayo in gudaha Boosaaso qaad aan lasoo gelin karin, isla markaana la fulin doono amarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
“Waxaa Caawa meel Fagaare ah ku gubnay Qaad si Sharcidaro ah loogu dhex Ibinayay gudaha Magalada Bosaaso kadib Markii Ciidamada ay howlagalo kusoo qabteen taas iyadoo la fulinaayo Amarkii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni si shacabka Puntland ay naftooda uga Ilaaliyaan Cudurka Coronavirus” ayuu yiri G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.
Si kastaba Qaadka ayaa hore looga mamnuucay gudaha deegaanada maamulka Puntland, waxaana maamulka uu tallaabadan uu ku doonayaa inay uga hortegaan faafida Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka.