HomeCaalamkaQ/Midoobay oo War kasoo saartay Duqeyn Itoobiya la beegsatay Xarun xannaano

Q/Midoobay oo War kasoo saartay Duqeyn Itoobiya la beegsatay Xarun xannaano

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa Sabtidii cambaaraysay weerar cirka ah oo ” lala beegsaday xannaano” ku taalla gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah. Duqeynta Jimcihii ka dhacay caasimadda Tigreega ee Mekele ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa Sabtidii cambaaraysay weerar cirka ah oo ” lala beegsaday xannaano” ku taalla gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah.

Duqeynta Jimcihii ka dhacay caasimadda Tigreega ee Mekele ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu dagaal ka qarxay xudduudka koonfureed ee gobolkaas, kaasoo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa TPLF, taasoo soo afjartay xabbad-joojin shan bilood ah.

- Advertisement -

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee ka talisa gobolka waqooyi ayaa sheegtay in weerarka cirka uu burburiyay xarun xannaano iyo xaafad ay dad rayid ah deggan yihiin, iyadoo dowladda Itoobiya ay beenisay.

Addis Ababa ayaa sheegtay inay beegsatay oo kaliya goobaha ciidamada, waxayna kooxda TPLF ku eedaysay inay ka dambeyso dilka dadka rayid ah.

Kibrom Gebreselassie, oo ah madaxa caafimaadka ee cisbitaalka Ayder Referral Hospital ee Mekele, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in afar qof ay ku dhinteen duqeybta cirka ah oo ay ku jiraan laba caruur ah, wuxuuna intaas ku daray in sagaal kale laga daweynayay dhaawacyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts