Q/Midoobay oo ku talisay inta goori goor tahay in wax laga qabto Mayanmar

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, Michelle Bachelet, ayaa ka digtay dhibaatooyin dhanka bini’aadanimada ah oo ay geystaan Xukumadda Milateriga  ee dalka Myanmar ku qabsaday afgambiga ciidan.

Bayaan ay soo saartay Khamiista ayeey ku sheegtay in Beesha caalamku ay laba -laabtaan dadaalladooda ku aaddan soo -celinta dimuqraadiyadda iyo ka -hortagga iskahorimaadyada ka jira dalkaasi.

Wakiilka ayaa ku boorisay Beesha Caalamka in inta goori goor tahay in wax laga qabto ama  tallaabo laga qaado xukuumadda mileteriga ah ee Mayanmaar,

Myanmar ayaa ku jirtay qalalaase tan iyo markii militariga ay awoodda ku qabsadeen afgambi 1 -dii Febraayo, taasoo soo afjartay 10 sano oo dalkaasi ku jiray dimoqraadiyad iyo horumar kale.

In ka badan 1,120 qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii Mayanmaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay,waxaana dilalkaasi ay dhaceen xilli ciidamada dalkaasi ay doonaayeen in ay joojiyaan bannaanbaxyo looga horjeeday xukunka mileteriga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor