Puntland oo war kasoo saartay xaladda Cudurka Corona ee deegaanadeeda

Tirada dadka laga helay COVID-19 ee Puntland ayaa maraysa 178 ruux, waxaana hoos ugu dhacday dadka xanuunka laga helayo.

Waxaa la baaray 87 Ruux waxaana laga helay 8 qof xanuunka Covid19, waxaa u dhintay 1 qof.

8-da qof ee xanuunka laga helay ayaa kala 7 Rag ah iyo Hal dumar ah waxayna kala joogaan gobolada Nugaal, Mudug iyo Gardafu

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada gaartay 178 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 15 qof.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa wali ka wada deegaanada wacyigalinta bulshada iyo sidii bulshada loola wadaagi lahaa xanuunka iyo saamaynta uu yeelan karo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media