Puntland oo war kasoo saartay geerida Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamulkaasi

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay geedida ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku.
“Waxaan Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland.

 

Dhanka kale Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu tacsida iyo tiiraanyada geerida Alle naxariis waarta ha siiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire la qayb-sanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cabdisamad Cali Shire waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda waxa uu kamid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor