Puntland oo u digtay dadka sii hurinaya Dagaalkii ka dhacay Mudug

War-saxaafadeed kasoo baxay dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii shalay kasoo Cusboonaaday deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.

Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah oo aan gorgortan laheyn loo joojiyo dagaalka sababay dhimasho iyo dhaawaca ee Mudug ku dhexmaray beelo walaalo ah, isla markaana wixii khilaaf ah lagu dhameyo is-afgarad.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa digniin loogu diray dadka sii hurinaya dagaalka kasoo Cusboonaaday deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, halka tirro intaas kabana ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Akhrio Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media