Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu Xabsiga dhigay tiro Odayaal ah.
Ciidamada Booliiska Magaalada Garoowe ayaa sida aan xogta ku helnay waxa ay Xabsiga dhigeen Odayaal Magacyadooda lagu kala sheegay Dhagaweyne, Daahir Ciro, faysal dhukane iyo Ganacsade Duni.
Odayashaan ayaa Warbaahinta Maalmahaan ka hadlayay iyaga oo dhaliilo u jeedinayay Madaxda Puntland, iyaga oo diidanaa Wareejinta Dekada Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Dalsan ayaa waxa ay xiriirtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland si aan wax uga weeydiino xarigaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.