HomeWararPuntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Puntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal.

Ilyaas Cabdi Dinix ayaa waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay soo hadal qaadi waayaan wanaagga iyo soo dhaweynta ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo shacabkeeda u sameeyeen dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“In ay Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka sool; waa ayaan-daro in aysan sooba qaadinin, mise qoladan waxaaba dhiba waxqabadka puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix, xili Puntland ay soo dhaweyn iyo dib u dejin u sameeysay dadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, waxaana Warka Musharaxiinta aan lagu soo hadal qaadin soo dhaweynta Puntland u sameeysay dadka lasoo masaafuriyey.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories