Puntland oo sheegtay in la soo qabtay nin Boosaaso ku dilay ruux ganacsade ahaa

Taliska Booliska Puntland ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in gacanta lagu dhigay Nin habeen ka hor Maglada Boosaaso ku dilay Ganacsade xisaabiye ka ahaa shir  Ganacsi oo lagu Magacaabo horsed,kadib howlgal laga sameeyay Magaaladaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay sameeyeen ay gacanta kusoo dhigeen mid ka mid ah rag lala xiriirinayo Ganacsadihii Boosaaso lagu dilay ee lagu Magacaabi jiray Salaad Cukaash.

Sidoo kale Taliye Janeraal Muxudiin ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Qori uu sheegay in loo adeegsaday dilkaas,isla markaana dhawaan ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan cidii dishay iyo qoraga lagu dilay inta sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dadka dilalka ka geysta boosaaso ay yihiin Shabaab,isla markaana ay galaan,Goobaha waxbrashada,sida Jaamacadaha macaahida,hayeeshee meel kasta lala geli doonaan.

Si kastaba dilkii dhawaan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari loogu geystay Xisaabiyihii Shirkada Horseen Salaad Cukaash majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkiisa iyo sababta loo dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor