Puntland oo sheegtay in Galmudug ay ka dambeyso dagaalkii ka dhacay Mudug  

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka hadlay dagaalkii Maanta kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Isaga oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Towfiiq ee u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed ay Puntland aad uga xuntahay dagalkaas.

Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayaa waxaa ku baaqay in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Maamulka Galmudug ku eedeeyay inay hurinayan dagaalkii saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Towfiiq, isagoona sheegay in dagaalkii uu ka dhashay weerar ay soo qaadeen Ciidanka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayuu Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ugu baaqay inay joojiyan dagaalka lagu soo qaaday Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ay uga hadlayaan eedeeynta uu u jeediyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay Mudug ayaa waxaa uu dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, waxaana dagaalka ku dhintay in ka badan 15 ruux, halka toboneyno kalena ay ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media