Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ku dhawaaqday Go’aan ah in deegaanada maamulkaas wixii hada kadib ka dambeeya lagu soo geli doono Viiso.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil waxa uu shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha deegaanada maamulka Puntland.
Isaga oo la hadlay Tv-ga ku hadla Afka dowlad Goboleedka Puntland Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayuu sheegay in cid walbo oo tahriib ama sharci darro kusoo gasha Puntland laga qaadi doono tallaabo sharci ah,isla markaana la horgeyn doono Maxkamad.
“Puntland waxaa lagu soo geli-karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland”.
Puntland ayaa ah dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay Go’aan ah in deegaanadeeda lagu soo galayo Fiiso,waxaana dalka ka jira marka laga reebo Iyada 4 Maamul Goboleed oo kale iyo maamulka Somaliland.