Puntland oo la filayo in ay Xukunno ku riddo Eedaysanayaal loo haysto Al-Shabaabnimo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay xukunno ku riddo eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shababaab.

Labo eedaysane lagu kala magacaabo Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay ku eedeysay in ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab,kuwasi oo sidoo kale la sheegay in ay falal amini darro ka gaysteen Xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Eedeysanayaasha ayaa shalay la hor-keenay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo, balse wax go’aanah lagama gaarin, waxaana fadhiga dacwadda ay dhageysatay eedaha loosoo jeediyay labada Eedaysane.

Balse manta ayaa la filayaa in ay Maxkamaddu ku dhawaaqdo xukunka ay wajahayaan labada Eedaysane.

Maxkamdda Puntland ayaa dhawaanahaan waxaa ay xukunno kala duwan ku ridday Xubno la shegay in ay dagaalamaayasha Al-Shabaab ka tirsanaayeen, kuwaasi oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo khasaaro badan dhaliyay ka fuliyay magaalooyinka waa weyn ee Maamulkaasi Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor