Puntland oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga waramay xaaladda guud ee xanuunkanka safmareenka ah ee COVID19.

Wasiirka ayaa sheegay in kiisaska la helayo ay wali jiraan balse ay koobantahay ama ay yartahay sidoo kalena dadka laga helayo ay si dhakhso ah ugasoo caafimaadayaan, balse aan meesha laga saari karin in wali xanuunku uu jiro oo maalin walba kiisas cusub la helayo.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay furitaanka safarka dibada ah ee la furay waxaana uu xusay in ka wasaaradd ahaan ay wasaaradda duulista ka wada shaqayn doonaan sidii loogu fududayn lahaa dadka dalka dibadiisa aadaya loo siin lahaa Shahaado cadaynaysa in laga baaray lagana waayay xanuunka Covid19, taasi oo ah mid aan la foorjargarayn karin laguna hubin doono garoomada diyaaradaha si loo ogaado in qofkii saxda ahaa uu shahaahada ku dhoofayo.

Si lamid ah waxaa la hubin doonaa dadka imaanaya inay wataan shahaado cadaynaysa in qofkaasi uu baaritaanka soo maray 3 maalomood gudahood.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay kaliya inaan shuruucdaasi ku xiranaan doonin dadka ku imaanaya hawada kaliya ee ay sidoo kale hubin doonaan kuwa xuduudaha ka soo galaya ama dhulka ama badda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media