Puntland oo ka hortimid safarka Madaxweynaha Soomaaliland ee Gobolka Sool

Shirkii Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga , xeerarka ay ansixinayaan xukuumada Federaalka iyo warbixino kale.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa Warbixino looga dhageystay,waxaana ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland,iyada oo la soo hadal qaaday safarka Madaxweynaha Soomalailand loo qorsheeyay in uu ku tago deegaano ka tirsan gobolka Sool.

War-Saxaafadeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland safarka uu ku tagayo Gobolka Sool uu yahay mid uu ku doonayo in uu dagaal ka dhaco Gobolkaas.

Waxa a sidoo kale War-Saxaafadeedka lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo deegaanadeeda kusoo xadgudubto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor