Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo fiidkii hore ee Caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay halkaas.
Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxaas oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad isugu jira Mas’uuliyiin iyo shacab ah.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in qof isku ku soo xiray waxyaabaha qarxa uu Caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xersi iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolkaas.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Maxamed Dhabancad in Guddoomiye Cabdisalaan iyo Taliyihii hore ee Booliska Nugaal Faarax Galan-gooli uu dhaawac soo gaaray, isla markaanka haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Garoowe.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in qaraxaas sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray dhowr qof oo shacab ah, kuwaasi oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacaayay.
Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka amniga maamulka Puntland ay wadaan howlgal baaritaano ah, isla markaana weli aysan jirin cid loo soo qabtay qaraxaas dhacay.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadaas Qaraxaas Khasaraha geystay ee Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamuka Puntland, iyadoona xusid mudan tahay in Puntland ay dagaal kula jirto Al-shabaab iyi Daacish.