Puntland oo ka hadashay diyaaradii laga celiyay Garoonka Boosaaso

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyaynta dawlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdulraxmaan Dhabancad, ayaa ka warbixiyey diyaarad maanta laga celiyay magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in wafdiga guddooomiye kuxigeenka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ee ka imanayey magaalada Muqdisho, aaney lasoo xiriirin Puntland, si markaa maamulku uu u qaabilo.

Wuxuu intaa raaciyey wasiirku in haatan ay abaar ka jirto dalka Soomaaliya, taasoo loo baahan yahay dadaaalka dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Dhabancad, ayaa tilmaamey in hannaanka federaalka uu qeybinayo awoodaha, isla markaana la doonayo in dowladda iyo maamulada ay tahay lagama maarmaan iney iska war qabaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Puntland uu diyaar u tahay iney kala shaqeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada kalaba, ka hortagga abaarta iyo gargaar u fidinta shacabka tabaaleysan.

Wasiir Dhabancad, ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya in hadda kadib aaney dhicin gacan dhaaf iyo iska warqab la’aan, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyey in wixii maanta dhacey aaney dib danbe u dhicin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor