Puntland oo Hawada ka celisay diyaarad ay la socotay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee G/Shacabka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlaad Goboleedka Puntland ay hawada ka celisay diyaaarad ay saarnayd Kusimaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sacdiya Salaad Samatar.

Warar ku waxaa ay sheegayaan in Puntland ay amartay in Boosaaso laga celiyo, diyaaradda, oo sida la sheegay sidday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen, ee ku dhaqan degaanada maamul Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka Marwo Sacdiya ayaa dhawaan, ay tagtay Magaalada Garoowe ee Xarunta u ah maamulkaasi Puntland, waxaana ay horay u gaarsiiyay deeq gargaar ah oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee degaanada Puntland.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in hawada laga celiyo diyaaradda, waxaana arrintani ay u muuqataa mid muujinaysa xiriir aan wanaagsanyn oo ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor