Puntland oo hal sabab u joojisay dadka uga imaanaya dalka Hindiya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ka jirta wadanka hindia ee xanuunka COVID-19

Waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac Faarax in dalka Hindiya uu ka jiro sida WHO cadaysay nooc cusub oo caabuqa  ah, kaas oo ka halis badan noocyadii kale ee Soomaliya ka jiray.

“Anaga oo ilaalinayna badqabka muwaadiniintayada, waxaan joojinay dadka ka imaanaya wadankaas, waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso. Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaarinay inaan galino labo todobaad oo karantiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qabo meesha uu doono ha soo maro” ayuu yiri Wasiir Jaamac Faarax

Wasiirka ayaa sidoo kale kula taliyay dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa bulshada la wadaagay in bishaan lagu jira dhamadkeeda la bilaabi doono wajiga labaad ee talaalka Cudurka COVID-19.

Wejiga labaad ayuu tilmaamay la siin doono dadkii horay u qaatay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadana loo sheegayo in wali talaalku diyaar ku yahay xarumaha caafimaadka ee degmada ama gobolka aad joogtid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor